Madaxweyne Qoorqoor oo booqday ciidamadii Ahlu Sunno ka saaray Guriceel

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta booqasho iyo kormeer ku tagay xeryaha ay ku suganyihiin ciidamada qalabka sida ee Degmada Guriceel.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan saraakiisha ciidanka ayaa qeybaha kala duwan ee ciidamada u jeediyay kalmado iskugu jiray dhiiragalin iyo bogaadin.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn ku ammaanay Ciidanka Qalabka Sida wanaagsan ay uguteen waajibaadkooda iyo sida markasta ugu taaganyihiin difaaca ummadda Soomaaliyeed.