Madaxweyne Farmaajo oo Taleefoonka kula hadlay dhigiisa Dalka Masar

Wararka Maanta

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas raaciyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.

Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa adkeeyay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay Dowladda Federaalku ku tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.

Labada Madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal oo ay kamid tahay tallaabooyinka wax ku ool ah ee ay qaadday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxay, sidoo kale, isla soo hadal qaadeen in si wadjir ah loo wajaho xaaladaha haatan ka taagan Dalka iyo guud ahaan Gobolka.