Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Abu-Dhabi (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta gaaray magaalada Abu-Dhabi ee caasimadda dalka Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey halkaas. Wuxuuna halkaasi ku tagay booqasho laba cisho ah. Madaxweynaha waxaa gegada diyaaradaha kusoo dhaweeyay Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta Mudane Sultan Bin Saciid Al Badi. Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Khayr, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo La-taliyeyaal.

Madaweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Dalkaasi kulamo la qaadan doono Madaxda imaaraatka, iyagoo ka wada hadli doona arimaha ganacsiga, xiriirka labada dal iyo khilaafka khaliijka, Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyey hubeeyo maamul goboleedyada qaar, sidoo kalena si sharci darro ah kula wareegay qaar ka mid ah dekedaha dalka.

Dhanka kale imaaraatka ayaa dhibaatooyin ka geystay wadamo badan sida Liibiya iyo Yemen, iyagoo fulinaya ajandooyin qarsoon, waxaana lagu sheegaa in aad uga soo horjeedoo in wadaada ikhwaanku saameyn ku yeeshaan siyaasadda wadamada islaamka.

Booqashada Madaxweynaha ayaa noqonaysa tii 16-aad ee uu ku tago dalka dibadiisa:

  1. February 23, 2017: Sacuudiga
  2. March 22, 2017: Kenya
  3. March 28, 2017: Jordan
  4. April 10, 2017: Imaaraadka
  5. April 26, 2017: Turkiga
  6. May 3, 2017 : itoobiya
  7. May 9, 2017 : UK
  8. May 21, 2017 : Sucuudiga
  9. June 21, 2017 : Uganda
  10. Aug 20, 2017 : Masar
  11. September 26, 2017 : Sacuudiga
  12. Oct 4, 2017 : Suudaan
  13. Oct 22, 2017:-Uganda
  14. October 23, 2017 : Itoobiya
  15. October 24, 2017 : Jabuuti
  16. November 17, 2017 : Imaaraadka