Madaxweyne Farmaajo oo Amray in la furo Wadooyinka xiran

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa amray in shacabka loo Sahlo isu Socodka Maagaaladda ,loona furo wadooyinka xiran. Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeyn dhexmarta ciidamada iyo Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabayaa cabashada shacabka ayaa amar ku bixiyay in la furo wadooyinka. Twitterka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dhagax iyo ciid lagu xiray qaar ka mid ah wadooyinka Muhiimka Magaalada Muqdisho, waxaana shacabku ka cabanayeen dhib ay kala kulmaan isku socodka Magaalada.

Shacabka Muqdisho oo isku diyaarinaya ciidda ayaa waddooyinka xiran ka muujiyey cabasho, iyagoo baraha bulshada ku soo bandhigayey cabashadooda.