Macalimiin Dugsi Qur’aan oo lagu dilay gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in Degmada Cadalle gaar ahaan Tuulada lagu magacaabo Koogaar lagu dilay culimo Owdiin Soomaaliyeed oo halkaasi u tagay in ay qur’aan ku aqriyaan dad halkaasi ku xanuunsanaa.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay dhimashada 5 ka mid ah culimada deegaanka.

  1. Sheekh Daahir Xasan cali Dheere
  2. Macalin maxamuud canbuure
  3. Macalin Maxamed Xuseen Axmed Cadaawe
  4. Macalin Muqtaar C/laahi Cilmi
  5. Macalin Muxumud Xasan Cali Dheere.

Wararka ayaa intaas ku daraya in culimada dilkooda ay ka dambeeyeen maleeshiyaad hubaysan oo goobta ka baxday.

Goobjooge ku sugan Degmada Cadalle ayaa sheegay in loo malaynayo in falkaan uu salka ku haayo anaano qabiil.

Maalin ka hor ayay ahayd markii culimo odiin gaara 4 lagu dilay qarax ka dhacay gobolka Bakool ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

Isha: Mustaqbal