Maareeye “Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo aniga ku jiro baa dhaawacyo fudud soo gaaray”

Wararka Maanta

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir oo goor dhow la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa cambaareeyay qarax ismiidaamin oo ka dhacay inta u dhaxeysay Hotelka SYL iyo Ilinka laga galo Madaxtooyada.

Maareeye ayaa sheegay in Hotelka uu ka socday labo shir, isagoo xusay in Ciidamada ammaanka ay illaa 500mitir rasaas ku fureen gaariga.

“Aniga Hotelka ayaa joogay dhaawac fudud baa i gaaray, waxaa Hotelka ka socday labo shir, shir wuxuu ahaa mid Wasaaradda Warfaafinta ugu soo bandhigeysay dadweynaha waxqabadka dowladda, mid kalena wuxuu ahaa shir u socday Xildhibaano iyo Wasiiro”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Mas’uuliyiin kale oo Xildhibaano iyo Wasiiro ay gaareen dhaawacyo fudud oo ahaa firirka muraayadaha sida uu yiri.

“Qaraxa dhanka laamiga ka dhacay waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ah dad shacab u badnaa, ciidamada ammaanka ayaa gaariga isu dhigay oo rasaas ku furay, waxayna hor-joogsadeen in meelihii uu rabay inuu soo galo”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa ka mid ahaa Wariyeyaal ka tirsan Warbaahinta dowladda, sidoo kale dad kale oo ka mid ahaa dadweynihii ka qeyb qaadanayay shirarkii ka socday Hotel SYL.

Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhintay qaraxa dad ka badan sodon kale waa ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa mid laga dareemay magaalada oo dhan, kaasoo loo adeegsaday gaari kuwa xamuulka ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka is qarxinta ee ka dhacay agagaarka Hotelka SYL iyo ilinka laga galo Xarunta Madaxtooyada, waxaana uu ka mid noqonayaa qaraxyadii ugu xoogganaa ee soo mara magaalada Muqdisho.

Comments are closed.