Maamulka G. Banaadir oo 2 Bus Ku wareejiyey Maamulka Gaalkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Maamulka Gobolka Banaadir oo laba gaari Bas ah ku wareejiyay maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug .

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Bare ayaa kala wareegay masuuliyiin Gobolka banaadir labadaasi gaari oo loogu tala galay in shacabka loogu adeego.

Gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa mudooyinki dambe waday dadaalo xoogan oo lagu hormarinayo degmada Gaalkacyo.

Maamulka Gobol Banaadir ayaa horey 2 Bus u siiyey maamulka magaalada Garoowe caasimadda maamulka Puntland.