Kooxo hubaysan oo nabadoon caan ah ku dilay Kismaayo

Wararka Maanta

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi lagu dilay mid kamid ah nabadoonada ugu caansan deegaannada Jubbaland.

Rag hubeysan ayaa la sheegay inay Nabadoonka oo lagu Magacabi jiray Axmed Buulle Ibraahim ay ku dileen Xaafada Via-Afmadow ee Kismaayo,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xaqiijiyey dilka Nabadoonka oo uu ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen rag katirsan Maamulka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in Nabadoon Axmed Buulle Ibraahim uusan xilligaan ku jirin wax siyaasad ah balse loo dilay arrimo la xiriira in uu kasoo horjeeday Maamulka Jubbaland sigaar ah Axmed Madoobe.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Nabadoonka dilkiisa aysan ka dambeyn Al-Shabaab oo uu sheegay in mararka qaar uu tago deegaannada ay maamualaan,hayeeshee dadka dilay la yaqaano cadaaladana la horkeeni doono.

Marka laga soo tago hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo sheegay in uu ahaa Guddoomiye Waaxeedka Xaafada Via Afmadow ee Magaalada kismaayo,waxaana dilkaasi weli ka hadlin Madaxda Sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Hay’adaha Amniga Maamulkaas.