Khilaaf Xoogan Oo soo kala dhex galay Gaas iyo ku xigeenkiisa

Wararka Maanta

Muranka u dhexeeya madaxweynaha maamulka Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, iyo ku xigeenkiisa C/xakiim Cumar Camay, ayaa la sheegay in uu soo if-baxay ka dib markii madaxweyne Gaas uu ku beeniyay hadalkii dhowaan ka soo baxay  madaxweyne ku xigeenka oo ahaa in Puntland aysan ka qeybgali doonin shirka Kismaayo loogu balansan yahay in ay ka qeybgalaan dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa waxaa uu xilkiisa dib ugu soo celiyay taliyaha booliiska Puntland oo shaqada ka joojiyay madaxweyne ku xigeenka taas oo muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka ka dhexeeya labada mas’uul ee ugu sareysa maamulka Puntland.

Dadka qaar ayaa aaminsan in khilaafkan uu salka ku haya muranka ka dhex taagan dowlad goboleedyada qaar iyo dowladda federaalka Soomaaliya oo ka dhashay taageerada maamulada dalka ay u muujiyeen xulafada Sacuudiga.