Imise jeer ayaa la dhagax dhiggay Dekeda Hobyo ee gobolka Mudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Iyadoo shalay Madaxweyne Farmaajo uu dhagax dhiggay Dekeda degmada Hobyo oo ah mid istiraatiiji ah ayaa waxaa soo baxaya is weydiino kala duwan oo ku aadan inta jeer ee la dhagax dhigay Deked ay yeelato Hobyo.

Baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday muuqaal iyo sawiro hore oo ku saabsanaa dhagax dhigga Dekeda Hobyo, xilligii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Is weydiinta dadka ayaa la xiriira dhagax dhigga Dekeda Hobyo aanay aheyn markii u horeysay, waxaana bishii February ee sanadkii 2016 la dhagax dhiggay Dekeda Hobyo, xilligaasoo ay si wadajir ah u dhagax dhiggeen Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa).

Hase ahaatee maalintii shalay oo taariikhdu aheyd 23 January 2018 ayaa Madaxweyne Farmaajo oo safar ku tagay Hobyo waxaa uu dhagax dhiggay Dekeda Hobyo iyo waddo isku xirta Hobyo iyo Caabudwaaq.

Inkastoo in mashruuc la dhagax dhigo ay sahlan tahay, hadana waxay u baahan tahay fulin iyo qorshe, waxaana dad badan ay sheegayaan in dhagax dhigida labaad ee Dekeda Hobyo ay la mid noqon karto sida tii dowladdii hore ay dhagax dhigtay oo kale.

Socdaalkii Madaxweyne Farmaajo ku tagay gobolada dalka ayaa waxaa ku dhagax dhigay mashaariic kala duwan sida dhismayaal waddo, garoomo diyaaradeed, xarumo, waxaana la is weydiinayaa halka ay ka imaan doono mashaariicdaas.