Ilhaan Omar oo ka hadashay burburinta Xarumaha Hormuud

Wararka Maanta

Ilhaan Omar oo ka mid ah Wakiilada Congaress -ka ayaa ka hadashay markii ugu horeysay burburintii ugu danbeysay oo ciidamada Kenya ay kula kaceen shirkad Isgaarsiinta Hormuud ee gobolka Gedo.

Qoraal  kooban oo ay soo dhigtay boggeeda  Twitter ka ayeey ku sheegtay in  Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM looga baahan yahay  in ay difaacaan  Xarumaha Shirkadda Hormuud iyo guud ahaan Shirkadaha kale oo kordhiyay  dhaqaalaha dalka.

”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Shirkadda Hormuud iyo dhamaan shirkadaha kale oo qaaraan weyn ku leh dalka Somalia adeegyo muhiim ahna bixiya,mar aan Soomalia tegay sanadkii 2011 ayaan la yaabay sida tiknolojiyadda meel sare u gaartay Somalia ayay tiri Ilhan Cumar.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay in ay baareyso tallabadii ugu danbeysay oo ay qaadeen ciidamada AMISOM oo ay ku burburiyeen xxaruntii shirkadda Hormuud ee deegaanka Cows-Qurun ee gobolka Gedo.

Isha: Hiiraan.com + Twitter