Hector Bellerin Oo Iska Diiday Heshiis cusub Oo Arsenal Ah Si Uu Ugu Dhaqaaqo Manchester City

Ciyaaraha

3916b1b100000578-3821352-image-a-2_1475581981421

Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa in uu  diiday heshiis cusub ay u soo bandhigtay Arsenal si uu ugu biiro Manchester City xagaaga soo socda.

Warar soo baxay isbuucaan  kooxda Gunners ayaa qorsheyneysa inay daafaca midig u bandhigaan heshiis cusub oo shan sanno ah sida ay u ceshato ciyaaryahanka reer Spain.

21-sano jirkaan ayaa kaga soo  biiray akadeemiga Barcelona kooxda sanadii 2011, waxa uu noqday xubin muhiim ah oo kooxda Arsene Wenger  tan iyo markii uu kusoo biiray saddex sanno ka hor.

Sida laga soo xigtay The Times, Bellerin ayaa sidoo kale soo jiitay kooxdiisii hore ee Barcelona, laakiin waxaa la rumeysan yahay in daafaca uu jeclaan lahaa inuu ku biiro City si uu uga hoos ciyaaro Pep Guardiola.

Wararka ayaa sheegay in Arsenal ay dooneysa inay mushaharka hadda  ee ah £ 50,000 todobaadkii ku dhowaad laba jibbaar uga dhigaan.

Comments are closed.