Gudoomiyaha Hobyo oo dhagax-dhigay Aargada Magaalada (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Degmada Hobyo Cabdullaahi Axmed Cli “Faat” ayaa dhagaxdhigay dhismaha Aargada degmada Hobyo, Waxaana dhagaxdhigga ku wehliyey  Dr. Cumar salad Elmi, Aargadan ayaa ku fadhisa 9.3m Oo balaca iyo 8m Oo dhirir ah.

Dhagax dhigga Aargadan ayaa ka dambeysay kadib markii lasoo gabangabeeyey  dhismaha wadada Hobyo ilaa Wisil. Wadadan ayaa gaaraysa ilaa 60 km, waxaana sidoo kale Gudaha Magaalada laga sameeyey wadooyin jey ah. sidoo kale Maamulka ayaa ku guuleystay in ay furaan wadooyin badan, iyagoo burburiyey dhismooyin sharci darro ahaa. arintaan ayaa wax ka badashay bilicdii magaalada.

Dhanka kale waxaa dhawaan la filayaa in Dekadda Hobyo ku soo xirato doon wadda xamuul ganacsi. waxaa sara u kacay qiimaha dhulka, dadka ku nool gudaha dalka iyo qurbajoogta ayaa si aad ah u gadanaya dhulka.