Guddoomiye Gacal iyo Hoggaamintiisa Baarlamaanka Galmudug!

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiye Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Hoggaamintiisa Baarlamaanka DGGM?

Jimco, 17 January 2020 doorasho lagu qabtay Xarunta Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa Guddoomiyihii labaad ee Baarlamaanka Galmudug yeesho loo doortay Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah aqoon yahan Culuumta Sharciga illaa PHD kasoo qaatay Jaamacadda Umudurmaan ee dalka Suudaan sidoo kalena muddo soo ahaa hoggaanka Kuliyadda Sharciga iyo qaanuunka ee Jaamacadda Muqdisho.

Hoggaamintiisa Baarlamaanka DGGM ayaa dad u badan aqoonyahanka ree Galmudug waxa ay u arkayeen walina u arkaan fursad muhiim ah oo xilligeedii ku soo aadday maadaama Dr. Gacal oo ah ah aqoonyahan sharci yaqaan ah loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Galmudug uuna dadaal weyn ku bixin doono dhismaha hay’ad sharci dejin oo tayo leh uuna ka shaqeyn doono sidii Galmudug u yeelan laheyd shuruuc wax ku ool ah oo gundhig u noqota Galmudug tayo leh oo hay’ado ku dulshaqeeya sharuuc iyo xeerar qoran la helo baarlamaankuna la xisaabtamo.

Haddaba Guddoomiye Gacal 15 Bilood kaddib muxuu ku kordhiyey Baarlamaankii Galmudug.?

Sida ku cad Cutubka 6aad qodobkiisa 22aad ee xeer hoosaadka Golaha Sharci Dejinta DGGM sannad kasta Goluhu wuxuu yeelanaya laba kalfadhi oo caadi oo mid kasta uu furnaanayo 4 bilood ayaa haddana hal sano iyo 3 bilood ee uu Guddoomiye Gacal haayey Guddoonka Baarlamaanka DGGM waxa uu yeeshay labo kalfadhi oo kaliya kuwaas oo qabsoomay sannad dhammaaday ee 2020 iaydoo sannadkaan 2021 oo bishii afaraad lagu jiro aan la furin kalfadhigii Golaha walina wax kulan ah ma yeelan baarlamaanka Galmudug.

Labadii kalfadhi ee Baarlamaanku yeeshay sannadkii dhammaday ayaa baarlamaanku meel mariyey illaa 4 hindise sharciyeed oo kala ahaa sharciga Hay’adaha (NGOs) oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Sharciga Dowlaha Hoose oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowlaha hoose, Sharciga Dhismaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo ay keentay wasaaradda amniga Galmudug iyo Sharciga ilaalinta Biiadda ama deegaanka oo Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta ree miyigu soo diyaarisay. Tallaabadaan baarlamaanku ku ansixiyey sharciyadaan ayaa dad badan rajo wanaagsan ku abuurtay taas oo ah in Galmudug yeelatay hay’ad sharci dejin oo shaqadeeda gudaneysa. Balse nasiib darro ansixintii 4ta hindise sharciyeed oo baarlamaanku hal usbuuc gudihiis ku ansixiyey kaddib wax shaqo ama kulamo shaqo ah ma yeelan baarlamaanku.

Qaar kamid ah xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo Mareegta Gujaale wax ka weydiisay sababaha uu u xiran yahay goluhu ayaa noo sheegay in aysan iyaguba wax badan ka ogeyn oo go’aanka furitaanka kalfadhiga Golaha laga sugayo Guddoomiye Gacal, balse waxa ay carrabka ku dhifteen mid kamid ah sababaha fadhiyada Baarlamaanku hadda u xiran yihiin ay tahay qorshe ay kamideysan yihiin Guddoomiye Gacal iyo Madaxweyne Qoorqoor oo aan waqtigan midkastaa xal u arag in la isugu yeero baarlamaanka Galmudug dibna loo furo fadhiyadoodii.

“Golihii Sharci dejinta Galmudug iska dhaaf in uu shaqadiisa dastuuriga ah qabsado e waxaa furihii golaha jeebka ku qaatay Guddoomiye Gacal oo cabsi uu ka qabo in baarlamaanku la xisaabtamaan u diiddan in shaqada baarlamaanka la fasaxo oo sharciyo badan oo ay Wasaaradaha qaar soo gudbiyeen baarlamaanku ka doodo. Arrintaasna waxa uu garab uga heystaa Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo lafiisu waqtigaan qatar u arka in la furo fadhiga Golaha” ayuu yiri xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug oo magiciisa sababo amni aan u qarinay.

Qaar kamid ah aqoonyahanka ree Galmudug oo iyana aan aragtidooda ku aaddan hoggaamintii Golaha ee Guddoomiye Dr. Maxamed Gacal ee hal sano iyo saddex bilood kaddib ayaa rajo xumo ka muujiyey hankii iyo malihii ay ka heysteen Guddoomiyaha. “Maadaama uu Sharci yaqaan yahay uuna hoggaanka u qabtay hay’adda Sharci dejinta Galmudug oo wali curdin ah, waqtigaanna u baahan dhisme shuruuc wax ku ool ah, taariikh wanaagsanna uu nooga tago, waxa uu noqday daniiste shaqadii baarlamaankana u xayiray dano kuwiisa ah iyo kuwo xagga madaxtooyada kaga yimid” ayuu yiri Ustaad Maxamed Ibrahim oo ka tirsan aqoonyahanka ree Galmudug.

Dhanka kale qaar kamid ah Golaha wasiirada Galmudug ayaa Mareegta Gujaale u xaqiijiyey in shaqooyin muhiim oo waqtigan taagan ay u xayiranyihiin sharciyadii oo aan la meel marin iyaga oo sheegay in sharciyo 6bilood ka hor Golaha Wasiiradu ansixiyeen ay wali horyaalaan baarlamaanka oo xiran ayna nasiib darro iyo shaqo gudasho la’aan tahay.

Waa sidee hadda xaaladda Baarlamaanka Galmudug.?

Ku dhawaad lix bilood oo xiriir ah ayuu xiran yahay fadhigii Baarlamaanka Galmudug sababo aan la ogeyn, mana jirto xog rasmiya oo xubnaha Baarlamaanku ka ogyihiin waqtig la furayo fadhiga golaha maadaama Guddoonka Baarlamaanku hareermareen xeer-hoosaadkii Baarlamaanka ee qeexayay fadhiyada golahu furmayaan.

Xubnihii Baarlamaanka Galmudug ayaa ku kala sugan Magaalooyinka Galmudug iyo Magaalada Muqdisho halka qaarkoodna dalka dibaddiisa aadeen maadaama aysan jirin wax shaqo ah oo ay qabanayaan fadhigii Golahana uu u xiran yahay Guddoomiye Gacal sida ay noo sheegeen qaar kamid ah Xildhibaannada Galmudug.

Dhanka kale Qaar kamid ah Xildhibaannada ayaa ka dhawaajiyey in uu jiro kala shaki u dhexeeya Madaxtooyada iyo Guddoonka ayna suurtagal tahay in dhawaan uu bannaanka yimaado shakigaas, kahor inta aan doorashada Federaalka la aadinna wax isbeddeli karaan.

Haddaba Su’aasho waxay tahay Guddoomiye Gacal sidaan ma ka beddeli doonnaa xaaladda Baarlamaanka Galmudug.?

Xigasho: Gujaale Media