Goormee bilaabanaysaa Doorashada Aqalka Hoose – Galmudug?

Wararka Galmudug Wararka Maanta

doorashada_som

Waxaa todobaadkan ka bilowday goobaha loo asteeyey martigalinta doorashada Soomaaliya 2016 xildhibaanada aqalka hoose, marka laga reebo magaalooyinka Cadaado, Jowhar iyo Muqdisho.

Magaalooyinka Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo bilaabeen doorashada xubnaha aqalka hoose u baratamaya, waxaana guddiga doorashada oo maalintii shalay warqad soo saaray u qabtay in maamul goboleedyada doorashada ku bilaabaan muddo saddex maalmood gudahood.

Dhanka Magaalada Cadaado oo martigalaysa doorashada qoondada Galmudug ayaa ilo xog-ogaal ah inoo xaqiijiyeen in ay bilaaban doonto maalinimada Khamiista 10 November, waxaana guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug horey u shaaciyeen in ay diyaar yihiin 19 kursi, waxaana maalmahaan socday diiwaan galinta Ergada iyo Musharixiinta u tartamaya kuraastaas.

Goobihii loogu talagalay doorashada ayaa diyaarsan yihiin, waxaana magaalada ku soo qulqulaya Ergooyinka iyo musharixiinta u tartamaysa kuraasta diyaarka ah, Magaalada Cadaado ayaa ah goobta ugu xamaasadda iyo xiisaha badan doorashada Soomaaliya, waxaana ku loolamaya siyaasiyiinta ugu tunka weyn siyaasadda Soomaaliya.

Comments are closed.