Goormee Ayuu Furmayaa Shirka Shidaalka Soomaaliya ee London?

Wararka Maanta

Magalada london ee dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa in uu ka furmo shir ay dowladda Soomaaliya sheegtay in lagu soo bandhigayo ama suuqgeyn loogu sameynayo Shidaalka Soomaaliya.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Batroolka ayaa ah mid muran badan dhaliyay,isla markaana dad u badan Siyaasiyiin ay shirkaasi ku sheegeen mid lagu xaraashayo qeyb ka mid ah Shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo ka jawaabayay walaaca bulshada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay mid lagu soo bandhigayo sahminta Shidaal ee laga sameeyay Soomaaliya gaar ahaan inta u dhaxeysa Magaalooyinka Hobyo iyo Kismaayo.

Xubno sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa shirka london ka furmaya ka qeybgeli doono,in kastoo aan weli natiijadiisa soo bixin ayaa hadana dad badan ay dhaliilsan yihiin balse Xukuumadda Soomaaliya aysan dheg jalaq u siinin

Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada Shidaalka farabadan laga helo hayeeshee nidaam la’aanta ka jirta aawgeed aysan ka faa’iideysan.