Geeridda Amaanduuliihii Ciidanka XD Qaybta 12 April oo la xaqiijiyay

Wararka Maanta

Ugu yaraan saddex askari, ayaa ku dhintay mid kalena wuu dhaawacmay, ka dib markii Shabaabka ay wadada u galeen gaari ay la socdeen Ciidanka Xoogga Dalka oo maraayay duleedka Degmada Balcad.

Weerarkan, ayaa waxa uu maanta ka dhacay deegaan 10km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay gaarigaasi la beegsadeen gantaalaha garbaha laga tuuro. Waxaa la sheegay in Shabaabku ay wadada u galeen gaari qura oo askartu ay la socotay.

Gudoomiye Kuxigeenka Dhinaca Amniga ee Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere), ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay Abaanduulihii Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 12-ka April ee Gobolka Shabellaha Dhexe, Korneyl Maxamed Raage iyo laba askari oo kale.

Gudoomiye Kuxigeenka oo gaaray halka uu weerarku ka dhacay, ayaa tagey mar ay ka taggeen Shabaabkii wadada u galay gaariga ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

Toddobaadyo ka hor, ayay ahayd markii Shabaabku ay wadadaasi ku weerareen gawaari ay la socdeen Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan, gaar ahaan qaybtooda ka hawlgasha Gobolka Shabellaha Dhexe