Galmudug oo ka soo horjeesatay laba xubnood oo Puntland loogu daray Aqalka Sare

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha dowad goboleedka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka soo hor-jeestay qaar ka mid ah qodobadii shalay laga soo saaray shirkii Madasha Wada-tashiga qaran ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

C/kariin Guuleed oo ka hadlayay munaasabad lagu soo dhoweynayay oo ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa yiri : “Waxaa rabaa inaan ka hadlo arrimaha siyaasada, dalka waxaa ku soo fool leh doorashooyin iyo is bedel dhinaca siyaasada, Galmudug xubno fir fircoon ayay ka tahay arrimahaas, dhamaan shirarkii madasha si dhameystiran ayaa uga qeyb galnay, laakiin go’aanadii shirkii Madasha ee ugu dambeeyay qodobka ku saabsan in labo xubnood oo dheeri ah loogu kordhiyo Puntland, arrintaas hadaa nahay reer Galmudug ma waafaqsani”ayuu yiri C/kariin Guuleed.
Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in aanu ka qeyb gelin shirkii Madasha ee shalay Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay, arrimo caafimaad awgeed, balse wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa matalayay.
War murtiyeedkii laga soo saaray madasha Wada-tashiga qaran ayaa qodob ka mid ah dhigayay in xubnihii la siiyay Somaliland in saddex xubnood laga jaro, labo ka mid ah la siiyo beelaha dega Sool, Sanaag Bari hal xubin la siiyo Buuhoodle, taasoo macnaheedu yahay in Puntland labo xubnood dheeraad loogu daray.

Hase ahaatee Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland ayaa ka soo hor-jeestay in xubnaha laga jaray Somaliland ee ahaa 11 xubnood laga jaray 3-xubnood, inkastoo markii dambe la sheegay in labo xubnood loogu daray.

Aqalka sare Baarlamaanka ayaa hada tiradiisu tahay 58 kursi, halka markii hore uu ka ahaa 54 kursi, Gobolka Banaadir ayaa labo xubnood laga siiyay beelaha banaadiriga, iyadoo shalay labo lagu kordhiyay Somaliland, oo markii hore 3 laga jaray.

Comments are closed.