Faafaahin Qaraxii ka dhacay Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Qarax loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa saaka lala beegsaday Xarunta ilaalinta Canshuuraha oo kasoo horjeedda Dhismaha Dekedda Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana goobta tagay Gawaarida gurmadka deg deg oo ka qaaday dadka dhaawacmay si looga daweeyo waxyeeladu gaartay.

Saraakiisha Baarista Booliiska Dowladda Federaalka baaris ku sameeyay Gaariga Qarxay iyo hilibka qofkii waday, Warbaahinta ayaa loo ogolaaday in gudaha ay u gasho si ay u arkaan khasaaraha Xarunta gaaray.

Inta la xaqiijiyey 5 Askari ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxaas, sidoo kale waxaan ku geeriyooday qofkii isqarxiyey.