Everton Oo U Dhaqaaqday Saxiixa Adnan Januzaj

Ciyaaraha

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Real Sociedad Adnan Januzaj ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay xagaaga suuqa kala iibsiga kooxda Everton.

Tan iyo markii uu yimid Marco Silva, Everton ayaa ku guuldareysatay inay soo iibsato ciyaaryahano kooxdoo koowaad ah, lakiin waxaa la soo jeediyay in Toffees ay haatan diyaar u tahay in kaso xamaalato suuqa iyadoo xiiseyneysa  Malcom.

Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in kooxda Merseyside inay tixgelinayso inay hesho ciyaartoy kale waxaana iminka diirada u saaram Januzaj.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa ku guuldareystay inuu saameyn joogto ah ku yeesho Manchester United intii u dhaxeysay 2012 iyo 2017, laakiin 23 jirkaan ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa horyaalka La Liga ee Real Sociedad.

Januzaj ayaa weli heysta afar sano oo qandaraaskiisa ah, laakiin Sociedad ayaa laga yaabaa inuu ka fiirsado dalabyada ugu weyn ee uu ku doonayo ciyaaryahanka .