Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Soomaali lagu xirxiray Zambia

Wararka Maanta

Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay Soomaali badan lagu xirxirey dalka Zambia.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibbada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay socdaan baaritaano la xariira sababaha keenay in dadkaasi si guud loo xirxiro xilli ay muddo dheer ku noolayeen dalkaas, islamarkaana arintaasi ay salka ku heyso isir naceyd.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka loo xummaaday”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.