Dowladda oo Shaqadii ka Joojisay Sahan Research

Wararka Maanta

Wasaaradda amniga gudaha Soomaaliya ayaa howsha ka joojisay hay’adda Sahan Research ,oo uu maamule ka yahay Matt Bryden oo horey u ahaa guddoomiyaha guddiga kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya Qaramada Midoobay ee Monitoring Group.

Wasaaradda ayaa hay’addan ku eedeysay in ay khatar ku tahay amniga Qaranka, Xasiloonida iyo midnimada Dalka.