Dowladda oo dooneysa inay baajiso shirka Beesha Mudulood

Wararka Maanta

Madaxtooyada iyo Qaar ka mid ah Laamaha Amniga dowladda ayaa wada cadaadis ku aadan sidii loo joojin lahaa shir looga hadlayo aayaha Beesha Mudullood oo berri lagu wado inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, shirkan oo maalmihii u dambeeyay la waday qaban qaabadiisa ayaa waxaa lagu martiqaaday Madax hore, siyaasiyiin, xildhibaano ka tirsan labada gole, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada.

Isku daygii koowaad ee la doonayay in shirka lagu baajiyo ayaa xalay dhicisoobay, kaddib markii siyaasiyiin ku xiran Madaxtooyada ay isku dayeen in odayaasha dhaqanka ee Hormuudka u ahaa kulankaas inay ku qanciyaan in shirka dib loo dhigo.

Sidoo kale waxaa bilowday isku day labaad oo ah qorshe laamaha amniga dowladda ku doonayaan in shirka la baajiyo sida waddooyinka oo la xiro, iyo Hotelka lagu dhigayo shirka oo digniino loo diray.

Inkastoo aanay weli jirin war rasmi ah oo dowladda ka soo baxay oo ku aadan in shirkaas la baajiyo, balse waxaa jira warar sheegaya in dowladdu awood u adeegsato baajinta shirkaas oo laga cabsi qabo in isku dhac uu dhaco.

Xigasho: Golf Yare