Dowladda oo dibada u qaadaysa dhaawacyadii Qaraxii Hotel SYL

Wararka Maanta

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xaaji Cabdinuur (Madeer) ayaa sheegay in dalka dibadiisa loo qaaday dadka dhaawacyadooda halista yihiin ee ku waxyeeloobay qaraxii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa bogaadiyay howsha dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo dadaalka ay u galeen bad baadinta dadkii shalay ku dhaawacmay qaraxii shalay.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in si deg deg ah dadka dhaawacyadooda halista yihiin dalka dibadiisa loogu qaadi doono.

Qaraxii xoogganaa ee shalay ka dhacay banaanka Hotelka SYL ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 30-ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana uu ka mid ahaa qaraxyadii ugu xooganaa ee soo mara Muqdishi.

Tagged

Comments are closed.