Dhismaha Wadada Wadnaha oo gaba gabo maraya (Sawirro)

Wararka Maanta

Waxaa heer gabo gabo ah maraya dhismaha Wadada Wadnaha oo halbowle u ah isu socodka degmooyinka Gobolka Banaadir, iyadoo dhismaha wadadan ay iska kaashanayaan Ganacsato iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Gabeyre oo horkacayay Ganacsato ayaa booqday wadada Wadnaha oo la saarayo laami.

Cali Dhoore Xasan iyo Xasan Cali Nuur Warshiikh oo ku hadlyay magaca Ganacsatada ayaa sheegay in wadadan lagu dhisayo lacago ay iska aruuriyeen Ganacsatada, iyagoo tilmaamay inay rajeynayaan in sidan ay ku socoto dhismaha waddooyinka dalka oo ganacsatada ay iska kaashan doonaan.

Madaxa Shirkada Kulmiye General Service oo fulineysa dhismaha wadadan oo lagu magacaabo C/qaadir Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegtay inuu meel wanaagsan u marayo dhismaha, isagoo xusay in wadada la dhisayo ay tahay 5KM, wajiga koowaad uu dhamaaday

Waxaa uu sheegay inay ku guuleysteen meelo biyo fariisin ah oo ku yaalay wadada Wadnaha inay u sameeyaan meelo ay biyaha ka baxaan, waxaana meelaha biyo fariisidka ee ay dadka ku dhib qabeen ka mid ahaa agagaarka Geed Jaceyl iyo Masaajidka Biya Malow.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed Maxamuud Cabdi Cali Gabeyre ayaa uga mahad celiyay Ganacsatada iyo Maamulka Gobolka Banaadir sida ay isaga kaashadeen dhismaha wadadan, waxaana uu xusay in dalka lagu dhiso karo iskaashi iyo iskaa wax u qabso.

IMG_8366 IMG_8387 IMG_8411 IMG_8415 IMG_8438 IMG_8469 IMG_8474

Xigasho: JowharNews

Tagged

Comments are closed.