Dhismaha saldhigii imaaraatka ee Berbera oo garoon rayid loo bedelay

Wararka Maanta

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojiyaan Saldhiggii Imaaraadka Carabta ka dhisanayeen garoonka diyaaradaha Berbera, isagoo xusay inuu noqon doono mid rayid ah oo wixii hadda ka dambeeya uu noqon doono garoon weyn.

Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Berbera oo uu booqasho ku tagay, waxaana uu xusay in todobaadka soo socda ay imaan doonto Shirkaddii dhisi laheyn garoonka diyaaradaha Berbera oo noqon doona mid u furan Badda, Cirka iyo dhulka

“Garoonkii Berbera ee in badan laga murmuayay ee Imaaraadka dhisayeen ee la lahaa waa ciidan, waa shibil maanta, waxaa uu noqonayaa habka ugu weyn, todobaadkan waxaa imaanaya shirkaddii dhisayay, waxaa uu noqonayaa garoonka ugu weyn”ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa uu sheegay in Garoonka Berbera uu yahay garoon weyn oo 5KM ah, oo ku yaalla Badda, waxaana uu xusay inay ku tala geli doonaan inuu noqdo garoon ka shaqo badan Dekeda, isla markaana diyaaradaha imaanaya ay ka qaadayaan alaabta, una gudbinayaan caalamka intiisa kale.

Imaaraadka Carabta ayaa horay heshiis ula galay Maamulka Somaliland Dekeda Berbera oo ay la wareegtay maamulkeeda Shirkadda DP World, halka ay Saldhig milateri ka sameysanayaan Garoonka Berbera.