Dagaal Culus oo ka socda Duleedka Degmada Balcad

Wararka Maanta

Dagaal culus ayaa ka socda deegaan degmada Balcad iyo Afgooye, dagaalka ayaa u dhaxeeyo ciidamada dowladda iyo Alshabaab, wuxuuna bilowday kadib markii ay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ay fariisimo ka sameysteen deegaan ka xiga dhinaca galbeed ee degmada Balcad. Rasaastala isu adeegsanayo dagaalkan ayaa laga maqlayaa magaalada Balcad iyo deegaanada u dhow dhow.

Wararka ayaa waxa ay sheegaya in dagaalka uu ka bilowday kadib markii ciidamo uu hogaaminayo Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Caanood ay weerareen fariisimaha ay ka sameysteen deegaana Daniga maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab.

Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa dhowaan weeraray bar kontarool oo ciidamada dowlada ku lahaayeen deegaanka Basra iyadoo lagu diley shan ka tirsan ciidamadii ku sugnaa bartaas koontarool.

Al-Shabaab ayaa maalmihii la soo dhaafay si buuxda u maamulayay deegaano u dhaxeeya Balcad iyo Afgooye, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in baabuurta u kala gooshta labada dhinac ay baaritaan0 ku sameynayaan

Dagaalkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee dhex mara ciidamada dowlada iyo Alshabaab kadib qaraxii geystey qasaaraha oo ka dhacay magaalada Muqdisho.