Site icon Ceelhuur Online

Dabar Goynta/ Boobka Shiinaha ee Dameeraha Geeska Afrika !

Dabar Goynta/ Boobka Shiinaha ee Dameeraha Geeska Afrika !

Waxaa qoray:Cabdifitaax sugulle

Dameeraha waa hanti muhiim u ah dhaqaalaha bulshooyinka ku nool geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenaya iyo Itoobiya, waxaana ku tiirsan nolosha dad badan oo sabool ah, daraasadyo badan oo la sameeyay ayaa muujinya in dameerku soo galiyaa ku dhawaad 100 dollar bishii dadka iska leh ee ku shaqaysta.

Waxaa fara kulul ku haya Dameeraha Dalka China oo raba inuu dhoofsado, waxayna hargaha dameeraha ay u isticmaalaan samaynta daawooyin sida kareemo dadka da’da yareeya.

Waxaana dameeraha laga raadiyaa maaddo la dhaho ( إيجياو) ama (ejiao) lagana helo madaxa dameeraha marka lakariyo, waxayna hagaajisaa wareega dhiiga iyo cafimaadka guud, korna u qaadaa raganimadda. Waan dhaqan hore ay lahaayeen dadka Shiinaha ee hantida leh, in ay cabaan maraqaas qaaliga agtooda ka ah . Laakiin waqtigaan, maadaama uu dhaqaalihii Shiinuhu kobcay, waxaa aad u batay dadka hantida leh, waxaana kordhay dalabka suuqa dameeraha.

Maadaama ay adagtahay in China loo dhoofiyo dameerka oo nool, waxay kenya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ay ganacsato Shayniis ah ka sameeyeen Kawaanno lagu qalo dameeraha si haragga iyo hilibka dameeraha loogu dhoofiyo Dalka China.

Dowladda Keenya waxay joojisay ka ganacsiga dhoofka hilibka dameeraha sanadkii 2020, kadib markii Shiinaha loo dhoofiyay 301,977 hilib dameer muddo 3 sano gudahood ah (2016-2018) , una dhiganta 15% dameeraha ku nool Kenaya. Waxayna Dowladdu qiyaastay in hadii xaalku sidaan ku socdo in sanadka 2023 ay dhamaannayaan Dameeraha Kenaya.

Suuqa Shiinaha waxuu rabaa sanadkii in loo dhoofiyo ku dhawaad 4 million oo dameer. Waxaana ku nool Dalka kenya 1.8 Million dareeer, halka Itoobiya ay ku nool yihiin 8-Million oo dameer. Itoobiya waa dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, marka laga yimaado Nayjeeriya, aadna u isticmaala dameerka dhanka wax soosaarka.

Shiinahu wuxuu isku dayay oo dadaal badan galiyay in ay dameeraha dhaqdaan, laakiin waxaa adakaatay in dameeraha ay ku tartan Dhulwaynaha Shiinaha, sida la aaminsan sababa la xiriira cimilada Dhulka Shiinaha. Sidoo kale waxaa badan dhicinta dameeraha ku nool dhulka Shiinaha waxuuna rabaa cimlo gaar u ah inuu ku tarmo sida Afrika.

Haddaba, waxaan halkaan baaq uga diriyaa Dowladaha Geeska Africa siiba Soomaaliya, iyo Itoobiya in ay ku baraarugaan Khatarta la xiriirta dabar jaridda uu Shiinuhu ku hayo dameeraha ku nool Afrika, oo muhiim u ah dhaqaalaha bushada saboolka ah.

Waxaana soo jeedinayaa in la sameeyo siyaasado xakamaynaya dhoofinta dameeraha, iyo ka ganacsiga hilibka dameerka iyo siyaasado ilaaliya guud ahaan xuquuda xayawaanka duur joogta ah iyo kuwa dab joogta ahba.

Exit mobile version