Daawo:Kursigii 14aad aqalka hoose ee galmudug oo cadaado lagu doortay

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa wali magaalada Cadaado ka sii soconaya doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo loolanka musharixiinta iyo ololaha doorashadu ay ka sii socdaan magaalada.

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo laamaha ammaanku ay iska kaashanaayaan xasiloonida deegaanka inta lagu guda jiro waqtigan xasaasiga ah.
maanta oo khamiis ah ayaa la doortay hal jursi oo ka mid ah kuwa loolanka ugu adag uu ka jiray, waxaana ku loolamayay C/qaadir Gaafow Maxamuud, Zakariye Maxamuud Cosoble, C/qaadir Nuur Caraale iyo C/qaadir Xassan Warsame, waxaana goobta doorashadu ka dhacaysay ka maqnaa laba ka mid ah musharixiinta
Bashiir Xaajio Cabdulle oo xubinka ah gudiga doorashada ee heer dawlad goboleed ee Galmudug ayaa warbaahinta uga warbixiyay natiijada.

Xildhibaan C/qaadir Gaafow Maxamuud oo maanta ku guulaystay xubinimada golaha shacabka ayaa helay 47 cod.

c/qaadi nuur caraale ayaa isna 1cod helay,hal codna waa uu xumaaday ergada kasoo qeyb gashay doorashada ayaa ahaa 48 ergo

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa inay sii socoto doorashada xubnaha aqalka hoose ee Federaalka, inta laga dhamaystirayo, 36-da kursi ee deegaanada Galmudug ka imaanaysa oo hadda la doortay 14 xildhibaan

Comments are closed.