Ciraaq:Daacish oo Gacantooda ay ka bixi rabto Magaalada Tal-Caraf

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ciidamada Militariga Ciraaq ayaa gudaha u galay inta badan magaalada Tal-Cafar ee dhacda Waqooyiga Ciraaq, halkaasi oo ahayd magaaladii ugu dambeysay oo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyada Argagixisada ah ee Daacish.

Jeneraal Cabdul Amiir Yarallah oo kamid ah Saraakiisha hoggaaminaysa howlgaladaasi ayaa sheegay in dagaal socoday 6 maalmood  kadib ay suuro gashay in ciidamadooda  falaagada argagixisada ah ee Daacish ay ka siyfeeyaan intabadan magaalada iyo nawaaxigaeeda, balse ay jiran goobo yer yer oo weli dagaalo goos goos ah ka soconay.

Muuqaalo lagu baahiyaya warbaahinta caalamka ayaa muujinaya guutooyin ka tirsan militariga Ciraaq oo gaaf wareegaya magaalada Tal Cafar, dhisyamaasha qaar ayaa qiiq, uuro  iyo holac ka kacayay, kuwaasi oo ah meelihi ay ku dhuumaalaysanayeen argigixisada oo la beegsaday.

Afhayeen u hadlay Militariga Ciraaq ayaa isna Wakaaladda Wararka Reuters ee Dalka Britain u sheegay in 5% ay ka harsan tahay in ay la wareegaan gebi ahaanba magaaladaasi.

Deegaanada ku xeeran magaaladaasi oo ay ciidamadu sida tooska ah u qabsadeen waxaa kamid ah, Nida, Taliyaa,Uruba, iyo deegaanka Saad.

Maleeshiyaad gaaraya ilaa 2000  oo qof iyo dad shacab ah oo lagu qayaasayo 10,000 ilaa 40,000 ayay saraakiishu sheegeen in ay ku sugan yihiin magaaladaasi Tal Cafar, ayadoo maleeshiyadu ay gabaad ka dhiganayaan shacabka.

Magaalada Tal Caafar ayaa ahayd goob istraatiiji ah oo ay maleeshiyadaasi isaga kala gooshi jireen, min Mousel ilaa xuduudda Syria,dad lagu qayaasayo  30, 000 oo shacab ah ayaa isaga cararay guryohooda tan iyo markii ay dagaalada ka bilowdeen halkasi daba yaaqadii April.