Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Xarunta Barlamaanka Puntland

Wararka Maanta

Ciidamo ku hubaysan gawaarida dagaalka ayaa goordhaweyd qabsaday xarrunta Baarlamanka maamulka Puntland ee Garowe waxayna jareen guud ahaan isku socodkii gawaarida isticmaalaysay wadada laamiga ah ee hor marta xarunta Baarlamaanka.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin mushaar todobo 7 bilood ah ka maqan, sidoo kale ciidamada ayaa la wareegay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Puntland ayaa beryahan dambe waxaa ka taagnaa xasilooni darro siyaasadeed, waxaana xalay magaalada Boosaaso lagu xiray Nabadoon C/qaadir Axmed Xarago oo Shalay ka hadlay in la Jir dilo Maxaabiista ku Xiran Xabsiyada Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale waxaa shalay iscasilay agaasimhii Madaxtooyada Puntland, waxaana muuqata in doorashada Soomaaliya ay duufaan siyaasadeed ku kicisay madaxda maamul goboleedyada.