Ciidamadii Galmudug iyo Puntland ee isku horfadhiyey Galkacyo oo lagu guuleystay in lakala qaado (Sawirro)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa galabta lagu guuleystay in la kala qaado ciidamadii maamulada Galmudug iyo Puntland ee isku horfadhiyey magaalada Galkacyo.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid oo todobaadkan ku sugnaa Galkacyo ayaa ku guuleystay in la fuliyo qodobkii ugu muhiimsanaa nabadda Galkacyo oo ahaa in ciidamada labada dhinac la kala qaado.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo Federaalka mudane C/raxmaan Odawaa oo shalay markale dib loogu doortay kursigii xildhibaanimo ee uu horey u hayey ayaa xalay gaaray Galkacyo, isagoo qeyb weyn ka qaatay in la dadajiyo fulinta heshiishkii ay gaareen labada dhinac.

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa si aan kala joogsi laheyn ula shirayey waxgaradka iyo saraakiisha ciidan ee labada dhinac sidii loo fulin lahaa heshiiskii la gaaray.

Ra’iisulwasaare Sharmaake, Wasiir Odawaa, Madaxweynaha Guuleed, Madaxweyne Gaas, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo waxgarad kale ayaa goob joog u ahaa fulinta qorshaha kala qaadista ciidamada labada dhinac.

Bulshada Galkacyo ayaa aad u soo dhaweeyey talaabadan, waxaana la filayaa in shacabkii qaxay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, waxaana maalmaha soo socda madaxda labada maamul tagayaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu lafa guri doono waxyaabaha salka u ah colaada Galkacyo.

dscn8351-1 dscn8354 dscn8358 dscn8360 dscn8374 dscn8387

Comments are closed.