Camey Oo Beeniyey In Amarro Ka Dhan Ah Madaxweyne Gaas Laga Siiyo Muqdisho

Wararka Maanta

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa iska fogeeyay in Amarada ka dhanka ah madaxweyne Gaas laga siiyo Magaalada Muqdisho.

Cameey ayaa tilmaamay in marka la is barbar dhigo wicitaanada Dowladda Federaalka ay la sameeyaan ama uu ku sameeyo ay ka badan yihiin inta jeer Madaxweyne Gaas uu waco ay wacaan Dowladda Federaalka.

Aragtidiisa ayuu sheegay in ay ku saleysan tahay sidii fadhi loogu dhameyn lahaa khilaafaadka yar yar, lagana shaqeeyo Danaha Shacabka Soomaaliyeed.

Wararka sheegaya in amarada laga siiyo Muqdisho waxa uu ku tilmaamay kuwo lagu abuurayo Xasarad ka dhan ah, halka uu ka shaqeeyane uu yahay Puntland.

Waa uu hadlay Eng Cameey waxa uu dalbaday in la joojiyo fara isku taag taagga ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntalnd, sidaas awgeed uu soo jeedinayo in laga shaqeeyo wada shaqeynta.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa muddooyinkii dambe soo jiitamayay, waxa uu soo shaac baxay Kolkii Gaas uu sheegay in uu hakiyay Xiriirka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka kadib Eedeemo uu u jeediyay, balse Cameey uu kahor yimd.

Waxaa xigay shalay uu Madaxweynaha Waqtigiisu sii dhamaanayo Cabdiwali Gaas uu soo Magacaabay guddiga Xalinta Khilaafaadka, waxaana xalay guddi kale oo Xalinta Khilaafaadka ku dhawaaqay Eng Cameey oo ah Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.