Cadaado oo Dollar kaliya wax lagu kala iibsanayo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Magaalada Cadaado caasimadda kumeelgaarka ah dowlad goboleedka Galmudug iyo magaalooyin kale oo ku yaala deegaanada Galmudug ayaa waxaa ka taagan jahwareer dhanka iibka badeecadaha, kadib markii ganacsatadu diideen qaadashada kunka shillin oo ah lacagta kaliya ee laga isticmaalo Soomaaliya.

Magaalada Cadaado ayaa muddo laba maalin ah oo uu ganacsigu xayirnaa kadib waxaa dib u bilowday ganacsigii, waxaana wax lagu kala iibsanayaa dollar kaliya, tusaale koobka shaah ah oo horey lagu gadanayey 3000 Shillin, ayaa hadda lagu gadanayaa 0.10$ dollarka Maraykanka.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel oo ay maamulaan Ahlu sunno ayaa ku xirxiray halkaasi ganacsato diiday Kunka Shillin inay wax ku iibsadaan, taas oo keentay in ay socoto lacagta Soomaaliga ah.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedka Galmudug ayaanan wali ka hadlin arintaan.