Cabdinuur Axmed Diiriye oo loo caleemasaaray Afhayeenka Dhaqanka Hawiye (Sawirro)

Wararka Maanta

Xafladda Caleemasaarka Afhayeenka golaha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye ayaa maanta ka dhacday hotel Xayaat magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin farabadan, CabdiNuur ayaa badalaya Aabihii Axmed Diiriye Cali oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.