Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay Xiisadaha ka dhex jira Galmudug iyo Puntland

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ah Madaxweynihii hore ee Maamulkii  Galmudugtii hore oo ku sugan magaalada Galkacyo ayaa ka digey xiisado colaadeed oo ka dhex jirta maamulada Puntland iyo Galmudug inay sababaan dagaalo ay ku dhintaan dad rayid ah.

Cabdi Qeybdiid ayaa maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in khilaafyada jira ay ku xaliyaan wadahadalo lagu dhameeyo, Sidoo kale Qeybdiid ayaa ka codsaday labada maamul inaysan dib u soo noqon dagaaladii  sokeeye ee ka dhici jirey magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay shalay in maamulka Puntland uu ciidamo badan keenay magaalada Gaalkacyo qeybta uu ka maamulo ayna ka cabsi qabaan in dagaal uu ka dhaco magaalada.

Sidoo kale waxaa xiisada sii kiciyay kadib markii maanlinadii jimcaha  uu maamulka Puntland la wareegay 6 baabuur oo laga soo dejiyay dekeda Boosaaso kuwaas oo ay ku sii jeeday deegaanada Galmudug. Gaadiidka ayaa la sheegay in ay dowlada Federalka ugu talogashay ciidamada Booliska ee maamulka Galmudug.

Tagged

Comments are closed.