C/raxmaan C/Shakuur oo la horgeeyey Maxakamad

Wararka Maanta

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa galabta la horgeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaasoo habeen hore Ciidamada ammaanka ay ka soo xireen gurigiisa. Xeer Ilaalinta ayaa ku soo eedeysay C/raxmaan dambiyo ay ka mid yihiin qiyaano qaran, inqilaab iyo kuwa kale, hase ahaatee Maxkamadda ayaa dalbatay in caddeeymo loo keeno eedeymahaas.

Sidoo kale Xeer Ilaalinta ayaa dalbatay in muddo 5 maalmood loo siiyo, si ay baaritaanka ku soo dhameystirto, isla markaana ku keento caddeymo. Hase ahaatee Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa diiday dalabka Xeer ilaalinta, waxaana uu u qabtay in muddo 24 saac lagu keeno caddeymo, laguna soo dhameystiro baaritaanka eedaha loo heysto

C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa u doodayay qarreeno, kuwaasoo Maxkamadda ka sheegay in qaabkii loo maray xarigiisa ay aheyd mid sharci darro ah, isla markaana aanu wax dambi ah laheyn.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in Maxkamadda la isku soo noqdo, iyadoo laga sugayo Xeer Ilaalinta inay caddeymo u keento eedeymaha ay ku soo oogtay C/raxmaan C/shakuur.