Barlamaanka Cusub oo yeeshay Fadhigiisii 1aad

Wararka Maanta

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka BJFS Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan “Dhabancad” ayaa shir gudoomiyey fadhigii 1aad ee kalfadhiga 1aad ee Barlamaanka 11aad.

Ajendaha Kulankii Maanta:

1-Furitaanka aayadaha Quranka Kariimka
2-Ansixinta Ajendaha
3-Dhaarinta Xildhibaano
4-Hadal-jeedinta Guddoomiyaha KMG ah Xil.Cabdisalaam Axmed Liibaan Dhabancad
5-Qeybinta Dastuurka
6-Qeybinta Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS
7-Qeybinta habraac kumeel gaar ah ee kala guurka Baarlamanka 10-aad iyo baarlamanka 11aad iyo xeer hoosaadka u gaar ah doorashooyinka Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka Soomaliya iyo Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya.

Dood kadib Gudoomiyaha KMG ah ayaamagacaabay xubnaha qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo ka kooban 10-xubnood waxayna kala yihiin.

1-Xil. Xuseen Maxamed Nuur (Hawiye)
2-Xil. Cabdirisaaq Cumar Maxamed (Hawiye)
3-Xil. Nasra Mahdi Caraale (Dir)
4-Xil. Maxamed Xuseen Haadi (Dir)
5-Xil. Dahado Suusow Maxamuud (Beesha 5aad)
6-Xil. Cumar Shariif Jeeg (Beesha 5aad)
7-Xil. Qaasim Cilmi Seed (Daarood)
8- Xil. Cabdullaahi Xasan Rooble (Daarood)
9-Xil. Cali Sheekh Maxamed Nuur (Digil & Mirifle)
10-Xil.Maxamed abuukar ( Digil & Mirifle)

Guddigan ayaa Berri 17-04-2022 yeelanaya kulankooda ugu horreeya si uu uga arrinsado howlaha loo igmaday.