Baabuurta korontada ku shaqeysa xal ma u noqon doonaan dhibaatadda is-beddelka cimillada adduunka?

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Baabuurta korontada ku shaqeysa xal ma u noqon doonaan dhibaatadda is-beddelka cimillada adduunka?

Is-beddelka cimillada wuxuu saameynayaa dunida oo dhan. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in 150,000 oo ruux sannad kasta ay u dhintaan sababo la xiriira is-beddelka cimillada. Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEP) ayaa ku qiyaasay in kor u kaca 150-sintimitir ee heerarka badda ay barakicin karto in ka badan 30 milyan oo qof. Dadkaasi waxaa ku jira illaa 370,000 oo Soomaali ah oo dhibaato ka timid is-beddelka cimillada darted uga qaxay guryahoodii gudaha Soomaaliya dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Dhibaatada is-beddelka cimillada waa tu’ uu bani’aadamka sababay – Ka billow qaaca ka yimaada baabuurta iyo warshadaha, wasakheynta deegaanka berriga iyo badda, jarista dhirta– ayaa ka mid ah falalka uu aadunuhu gacmihiisa ku sameeyo ee kordhiya in cimilladu is-beddesho.

Warshadaha baabuurta ayaa hadda billaabay inay soo saaraan baabuur noocoodu cusub yahay oo korontada ku shaqeeya, iyadoo laga faa’ideysanayo bateriyaal awood badan iyo teknolojiyadda. Shirkadda General Motors ee dalka Mareykanka ayaana ka mid ah shirkadahaasi.

Dhowaan waxaan si fogaan arag ah uga qeyb-galay kulan saxaafadeed aanu wareysi kooban kula yeelanay Tom Cooney oo ah ku xigeenka madaxa siyaasadda guud ee General Motors, kaas oo sheegay in marka la gaaro 2025 ay shirkadda General Motors rajeyneyso inay suuqyada adduunka geyso illaa 30 nooc oo ah baabuurta korontada ku socda. Waa qorshe looga gol leeyahay yareynta baabuurta hadda la kaxaysto ee gaaska iyo naftada ku shaqeeya- kuwaasoo qaaca ka yimaada uu dhib ku hayo hawada aanu ku neefsanno ilbiriqsi kasta.

“Marka la eego magaca General Motors (GM) waa shirkad jirtay 113 sano. Laakiin haddana waxaynu u shaqeynaa sida shirkad dhowaan la aas-aasay. Dhanka maalgelinta, waxaamu mashruuca soo saarista baabuurta korontada ku maalgelineynaa illaa 27 bilyan oo doollar. Sannadka 2021 oo kaliya waxaa naga baxaysa illaa 7 bilyan oo dollar,’ ayuu yiri Tom Cooney.

Hal abuurka aaladaha cusub waxay had iyo goor u baahan tahay teknolojiyad. General Motors waxay iskaashi la sameysatay shirkadda Cruise oo ah mid ku takhasustay sameynta barnaamijyada kombuyuutarka (software) taasoo ka caawineysa barnaamijka uu ku shaqeyn doono baabuurka korontada ku socda.

“Si aan u yareyno kharashka naga baxaya, waxaan goosannay inaan bataeriyada annaga sameysano. Waxaan soo saarnay bateri la yiraahdo Ultium oo ah mid awood sare leh. Waa bateri shaqeyn kara illaa 450-mile halkii mar ee la buuxiyo (charge),” ayuu yiri Tom Cooney.

Taasi micneheedu wuxuu yahay in baabuurkaagu socon karo in ka badan 724 kilomitir isagoo ku shaqeynaya bateriga Ultium, isla markaana aanad u baahneyn wax shidaal ah. Beddelkii shidaalka waxaad u baahnaan doontaa inaad maayad koronto ku cabbeyso (electric charging) bateriga baabuurka oo kaliya!!.

Ujeedka ayaa ah in la dhimo tirada baabuurta gaaska iyo naftada ku shaqeysa ee dunida kor taalla illaa sannadka 2040. Tijaabada baabuurta korontada waxay ku sii baaheysaa meelo ka baxsan Mareykanka. Dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee heshiis u uku iibsanayo baabuurta la galay General Motors. Qorshuhu wuxuu yahay in baabuurta taksiyada ee Dubai ka shaqeysa loo beddelo kuwa korontada ku hawlgala. Mareykanka laftiisa ayaa rajeynaya in shirkadda adeegga boostada ay isticmaasho baabuurta korontada ku shaqeeya dhowaan.

Haddii qorshahan sidii loogu talogalay u shaqeeyo waxay ka dhigan tahay inuu hoos u dhici doono xaddiga badan ee qaaca ee baabuurtu ku siideyso hawada, taasoo haddii lagu guuleysto yareyn karta degdegga is-beddelka cimillada. Waa tallaabo guul u ah dhammaan dadweynaha dunida- gaar ahaan waddamada soo koraya ee dadyowgooda ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada ka soo gaarto is-beddelka cimillada sida: abaaraha, fatahaadda, kuleylka, dufaannada iwm.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin