Aqriso: Maxay ka dhigan tahay goosashada Mukhtaar Roobow?

Wararka Maanta

Xubnaha ka soo goosta Argagexisada Alshabaab waa muhiim, waxayse ku xiran sida looga faa’iidaysto, kumaba sii jiraan hadii ay hogaanka sare ka tirsanaayeen ama magac iyo miisaan lahaayeen sida Sheekh Mukhtaar Roobow oo kale.

Mararka qaar khilaafka iyo dagaalka gudaha ee Argegexisada waa fursad ka qaalisan dagaalka tooska ah ee lagu qaadayo. Sababtoo ah.

1- Waxay meesha ka saaraysaa muuqaalka ah in ay midaysan yihiin. Kooxaha Aragegexisada ma jirto wax uga xanuun badan in loo arko in ay qaybsan yihiin oo dhexdooda khilaaf ka aloosan yahay. Waxaa halkaas ku beenoobaya qadiyadii ay xubnahooda ku dagaal gelinayeen. Waxaa soo ifbaxaya danaha gaarka ah, gabood falka iyo damaca xubnaha hogaanka.

Tusaale ahaan waxaa la dilay Ibraahim Afgaan oo ah aas aasihii iyo Odaygii Alshabaab, waxaa ka soo baxsaday Xasan Daahir iyo Atam, halka Xasan Turki uu Xabsi Guri ku dhintay, waxaa maanta baxsad ah Roobow. Godane oo ninkii waxaas oo dhan ka danbeeyey waa la dilay. Waa xalaad hogaan la’aan iyo jahwareer xubnaha dhexdooda ka jira. Waxaan shaki ku jirin in ay jiraan xubno badan oo hogaan iyo dagaal yahanba leh ay la’yihiin meel ay u baxsadaan.

2- Dadka kasoo goosta waa in fursad ay banaanka ku soo dhigaan loo siiyaa sababta ay u soo goosteen. Taasi waxay keenaysaa in ay soo bandhigaan isburinta ficilka iyo qowlka Alshabaab, beenta balanqaadkooda iyo laba wajiilo nimada hab dhaqankooda.

3- Taasi waxay horseedaysaa in dad badan ay ka baxaan Kooxda, Hadii ay dad magaca iyo masuuliyad sare hayey yihiin waxay baajinaysaa in dad kale ku biiraan.

4- Waxaa laga faa’iidayaa xog fara badan oo Alshabaab la xariirta. Qaab dhismeedka hogaan iyo xubno, sida ay u hawl galaan, habka is gaarsiintooda, balanqaadka ay dadka ku hawlgeliyaan, sida ay xubnaha u xakameeyaan xeelad iyo xoogba iwm.

Hadaba waa in fursad loo siyaa dadka Alshabaab ka soo baxsada sida Sheikh Mukhtaar Roobow oo kale in

1- Ka hadlaan dhabta waaya aragnimo ee ay Shabaab kala kulmeen, wixii ku bixiyey in ay Alshabaab ka soo baxaan.

2- In ay deegaan iyo meel ay ku badbaadan helaan, sababtoo ah ka hari mayaan waxay na isku deyayaan in ay ka daba yimaadaan.

3- Dawlada Waa in ay uga faa’iidaysataa dejinta siyaasad iyo sharci ku aadan sida loola dhaqmayo dadk caynkaan ah ee Alshabaab ka soo baxsada, gaar ahaan ku wooda hogaanka Sare iyo dhexe ka mid ahaa. Sharcigaas waa in Baarlamaanka la marsiiyaa si uusan la jiifiyaaba banaan ugu muuqan.

W/Q: Siyaasi C/raxmaan C/Shakuur Warsame