Alshabaab oo Jidka u galay Kolonyo uu la socday Gudoomiyaha G. Hiiraan

Wararka Maanta

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhabo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaadeen kolanyo gaadiid ah oo la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar iyo saraakiil ciidan oo ku sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta oo saakay ka anbabaxay magaalada Beledweyne ayaa lagu waramayaa in iska horimaad ku dhaxmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab inta u dhaxeysa degmooyinka Beledweyne iyo Maxaas, kaddib markii ay Al-shabaab isku dayeen in ay joojiyaan mas’uuliyiinta maamulka iyo saraaakiil ciidan oo socdaalka ku wehlinayay.
Rasaas goos goos ah ayaa la sheegay in ay labada dhinac ay isweydaarsadeen lamana oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka dhaxmaray labada dhinac, hasse ahaaatee wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta maamulka gobolka socdaalkoodii sii wateen.

Degmada Maxaas wali waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dagaal beelleed labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay deegaanno hoostaga degmada.

Xigasho: Hiiraan Online