Akhriso: Xogta doorashada Madaxweynaha Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Olalaha doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa ka socda magaalada Cadaado, waxaana 10ka bishan lagu madlan yahay in ay dhacdo doorashada, Musharax Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac ayaa magaalada ku sugan, isagoo kulamo la leh qeybaha kala duwan bulshada.

Dhanka kale waxaa Cadaado soo gaaray siyaasiin u ololeynaya Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Galmudug, kulamo ayaa ka socda Hotelada Magaalada, Boorar waaweyn oo ay ku xardhan yihiin Sawirada Musharixiinta ayaa la suray hareeraha wadada marta bartamaha Magaalada.

Waqtigii loogu talagalay diiwaan galinta Musharixiinta ayaa idlaaday, inkastoo la sheegayo ilaa sabtiga in isdiiwaangalintu furan tahay, ilaa hadda 3 musharax ayaa la sheegayaa in ay isdiiwaangaliyeen.

Dhanka kale dowladda Federaalka ah ayaa wada dadaal dib loogu dhigayo doorashada Madaxweynaha Galmudug, si loo turxaan bixiyo tabashada maamulka Ahlu sunno.

Wasiiro iyo xildhibaano dowlada  Federaalka ka socda ayaa la filayaa inay soo gaaraan Cadaado, si Barlamaanka Galmudug looga dhaadhiciyo in maalmo dib loo dhigo doorashada, xildhibaanada Galmudug ayaa ku adkeysanaya in aysan dib u dhigeynin doorashada.

Loolanka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Barlamaanka Galmudug ayaa laga dhursugayaa ayey suurtagal tahay in maalmaha soo socda dhinac u dhaco.