Akhriso sababta wasiirka Maaliyadda Galmudug isku casilay.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirkii Maaliyadda Dowlada goboleedka Galmudug Mudane Cali Siciid Cumar ayaa maanta iska casilay xilkii wasaaradda maaliyadda Galmudug, Cali ayaa warqadda iscasilaaddiisa soo dhigay bartiisa facebookga, waxa uuna ku sababeeyey arimo gaar u ah isaga.

Waa wasiirkii labaad iska casila xukuumadda Galmudug, waxaa 24 April 2016 iska casilay xilkii wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga Mudane Maxamed Cilmi afrax, Iscasilaadda Wasiir Cali siciid ayaa timid kadib warar hoose oo soo baxay bishii hore oo sheegayey in Xiriirka Madaxweynaha Galmudug iyo wasiirka Maaliyadda xumaaday, waxaana si dadban shaqada wasiirka u hayey ganacsade Liibaan shuluq oo ay isku dhow yihiin Madaxweyne Guuleed.

Arintan ayay suurta gal tahay in ay dhabaha u xaarto in wasiiro kale oo aan ku qanacsaneyn la shaqeynta Madaxweyne Guuleed ay kursiga baneeyaan. Hoos ka aqriso warqadda wasiirku isku casilay.

iscasilaad-cali-saciid

Tagged

Comments are closed.