Akhriso: Mooshin laga keenay Gudoomiye Jawaari

Wararka Maanta

Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa, iyadoo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen ololaha lagu saxiixayay Mooshinka.

Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay gadaal ka riixayaan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Wasiiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay inay wax ka saxiixeen Mooshinkan.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay.

Mooshinkan laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa ka dhigan in wixii hada ka dambeeya aanu shir guddoomin karin kulamada Baarlamaanka, inta uu Mooshinka ka yaallo sidaasna uu ku yahay Xildhibaan caadi ah.

Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka oo maalmo ka hor furmay ayaa la saadaalinayaa inay hareyn doonaan mowjado qalalaase siyaasadeed ah iyo khilaaf soo kala dhex gala Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo soo if baxay xilli aan la fileyn.