65 ruux Somali ah oo lagu dilay Ismaamulka Oromada dalka Itoobiya

Wararka Maanta

Tiro lagu sheegay 65 qof oo Somali ah, ayaa lagu dilay deegaano ka tirsan ismaamulka Oromada Waddanka Itoobiya, iyadoo ay sii xoogeysanayaan rabshadaha iyo isku dhacyada u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Tuulada Gadule oo hoos tagta Degmada Darulow ee Gobolka Oromada ayaa lagu dilay 65 ruux oo Somalia ah, kaddib markii ay soo Weerareen ciidammo ka tirsan kuwa Qowmiyadda Oromada-Itoobiya.

Sidoo kale, Weerarkan ayaa ka dhashay markii ciidamada Liyuu Booliska ee deegaanka Soomaalida-Itoobiya ay Weerareen deegaan ku dhaw Gadule, waxaa halkaas ku dileen labo askari.

Reerkii Askariga laga dilay ee Oromada ahaa ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Soomaalidii ku sugneyd deegaanka Gadule, kaddibna ay halkaas ku dileen lixdameeyo Soomaali ah oo isugu jira dad waaweyn iyo caruuur.

Dhanka kale, Maamulka deegaanka Oromada-Itoobiya ayaa sheegay in 14-qof oo Soomaali ah la dilay, iyagoo meesha ka saaray sheegashada tirada 65 ruux ee la dilay.