3 Xildhibaan oo lagu doortay Magaalada Baydhabo

Wararka Maanta

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu qabtay doorashada Kuraas ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Cali Sheekh C/llaahi (Cali Afgooye) ayaa ku guuleytay kursiga xildhibaanimo ee uu banneeyay agaasimihii Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen.

Cali Afgooye ayaa helay dhammaan codadkii Ergadu dhiibteen ee ahaa 51 Xubnood, musharraxii kale ee loo diiwaan geliyay inuu la tartamo ayaa goobta ka maqnaa.

Sidoo kale, Nuur Siidow Baaba Xasan ayaa ku guuleystay kursiga xildhibaanimo ee uu baneeyey Marxuum Axmed Mayow Cabdulle ( Korneyl Ruush).

Nuur Siidow ayaa helay 48-Cod oo ka mid ah codadka 50-ka Ergo ee codeysay, halka musharaxa kale ee Fiqi C/llaahi uu helay 1-cod, halka 1-cod kale uu halaabay.

Cali Cadow Maxamed ayaa ku guuleystaay Doorashada boos buuxinta kursiga uu banneeyaay Madaxweynaha Koonfuur galbeed ka dib markii uu helay 28-cod halka musharaxiintii la tartameysay ay kala heleen. Cabdicasiis Cali Macallim uu helay 16-cod, iyo Shamso Ibraahim Maxamuud waxay heshay 4-cod halka 3-cod kale ay halaabeen.