10 Su’aalood hala weydiiyo Sanbaloolshe

Wararka Maanta

Waa maalin kale oo culeeskeeda wadata, siyaasadda wajiyadda badan ee Somalia hadda waxa kusoo biirtay waaxda is eedeynta , Gudigii loo xil saaray kiiska Qalbi Dhagax waxey farta ku fiiqeen taliyihii shaqada laga eryay ee Nabad Sugida C/laahi Maxamed Cali Sabaloolshe kaas oo sidoo kale ah xubin ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Sanbaloolshe ma joogin fadhigii Baarlamanka ee maanta laakiin hubanti fariintu waa gaartay, talaabadda xigta ee Baarlamanka lama sheegin laakiin waxaa laga yaabaa in loo baahdo in su’aalo la weydiiyay Mr Sanbaloolshe sidoo kale waxaa dhici karta inuu isagu hadlo Baarlamaanka ka hor .

Su’aalaha ay tahay inuu ka jawaabo Sanbaloolshe waxaa ka mid ah,

1-Yaa lahaa amarkii ugu dambeeyay ee lagu dhiibay Qalbi Dhagax ?

2-Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaruhu kiiskan wax ma ka ogaayeen ?

3-Waaxda garsoorka, wasiirka cadaaladda iyo laanta socdaalka doorkooda arintaan ka waran ?

4-Ma jirtaa in la jir dilay Qalbi Dhagax dhiibista ka hor ?

5- Ethopia ma Xamar ayey ka wadatay mise waa loo geeyay ?

6-Ma jirtaa dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ku xeeran arintaan inta aad ogtahay ?

7-Maxaad ka aaminsan tahay ONLF ?

8- Wali Adis Abbaba ma aaday tan iyo markii la qaatay Qalbi Dhagax ?

9- Hadii aad adigu go’aanka kaligaa gaartay ma’aaminsan tahay inaad qiyaano qaran gashay hadiise madaxda sare kugu amartay wax cadeyn ah ma heysataa oo aad isku difaacdo ?

10- Waxaad aheyd taliyihii NISA , inta aad arintaan ka ogtahay maxaa daliil looga dhigay in qof muwaadin ah dal kale loo dhiibo ?Jawaabaha Sanbaloolshe waxaa ay noqon karaan labo midkood, mid uu isagu dambiga ku qaato ama inuu qarxiyo waxyaabo qarsoon oo arintu ay dad badan lugta la gasho taas oo xaaladda sii adkeyn karta.
Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com