Xukun lagu riday 9aal ruux oo haweenay kamid tahay

Wararka Maanta

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday 9 eedeysane oo haweeney ka mid tahay,kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), Cabdi Shakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha  Al-Shabaab gaar ahaan qeybta loo yaqaamo Amniyaadka oo dadka sida gaadmada ah ku dila ee sida gaarka ah kaga howlgala magaalada Muqdisho.

Dhammaan eedeysanayaasha ayaa soo galay gacanta ciidamada amniga 14/03/2019.

08/07/2019 ayaa loo diray xabsiga dhexe kadib markey codsaden xafiiska xeer ilaalinta in xabsiga dhexe lagu haaayo garsuge ahaan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa isku howlay baarista Shabakadan u qaabilsaneyd Al-Shabaab deegnnada cirifka jire ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada weydiisteen dhageysiga dacwadda 06/10/2019 xilligaas oo ay garsoorayaasha go’aamiyeen in uu dhaco fadhigii ugu horreeyay.

Guddoonka fadhiga dacwadan ayaa ugu horreynba u jeediyay eedeysanayaasha eedaha ay soo diyaariyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana mid kasta fursad loo siiyay in uu ka jawaab celiya jiritaanka eedda.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka sheekeeyay dhammaan eedeysanayaasha xilliyadii kala duwanaa oo ay Al-Shabaab kusoo qaateen iyo howlaha ay hayeen oo u badnaa tuuridda bambooyinka, Handadaada shacabka degan Bariga Muqdisho iyo daba galka dhaqdhaqaaqyada xarumaha iyo baraha ciidamada ee magaalada dhexdeeda.

Eedeysanaha koowaad Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira) ayaa Al-Shabaab ku biiray 2017, meela kamid ah Shabeellada Hoose ayuu tababarkiisii ugu horreeyay soo qaatay.

Farxaan Faarax Maxamuud oo ah eedeysanaha labaad ayaa ahaa shaqsi Al-Shabaab u iibin jiray gawaarida ay u adeegsadaan howlahooda.

Cabdiraxmaan Nuur Maxamed ayaa ahaa madaxa wardoonka , waxa uu ku biiray Shabaab 2018, dhowr goobo ayuu sahan u ahaa oo siyaaba kala duwan bambooyin loogu tuuray, waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay in kal hore Bariire u aaday tababar iyo is diiwaan gelinta kooxda, eedeysanaha labaad ayuu sheegay in uu ku tashkiiliyay kamid noqoshada Al-Shabaab.