Wararkii ugu dambeeyey ee Xaalada Deegaanka Dumaaye

Wararka Galmudug Wararka Maanta

nisa-cadaado

Xaalada deegaanka Dumaaye ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa ah mid kacsan, wax dagaal ah maanta kama dhicin deegaanka, Alshaab ayaa gubay beero, waxa ayna dhaceen xoolihii ay dadka deegaanku lahaayeen.

Ciidamada deegaanka ee ka horjeeda Shabaab ayaa ku sugan dhulka howdka ah, waxaana dhaawacyadii qaar caawa lasoo gaarsiiyey isbitaalka Cadaado, gawaari tikniko ah iyo ciidan farabadan oo galabta ka baxay Cadaado ayaa la filayaa in goordhow gaaraan goobaha dagaalka, si ay u garab siiyaan reer miyiga la dagaalamay Alshabaab, Ciidamada Cadaado ka baxay ayaa waxaa hogaaminaya Taliyaha NISA Galmudug Gashaanle Sare Saadaq Cumar.

Isgaarsiinta taleefanada ayaa hawada ka maqan magaalooyinka Xarardheere, Dumaaye, dabagalo, Ceelhuur iyo Hobyo, waxaana Alshabaab gubeen tuulooyinka qaar iyadoo maalinimadii shalay magaalada Dumaaye bartankeeda ku jiideen meydka mid ka mid dadka deegaanka, waxa kale oo ay sumeeyeen ceelasha iyo baraakaha deegaanka ku yaal.

Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com

 

Comments are closed.