Wararkii ugu dambeeyey Dagaalka Tukoraq

Wararka Maanta

Deegaanka Tukoraq ee gobolka Sool oo isku horfadhiyeen ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa saaka waxaa ka bilowday dagaal culus u dhaxeeya labada ciidan. dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa goordhow istaagay sida ay inoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalka, laakiin wali ma cadda tirada rasmiga ah, sidoo kale waxaa la sheegayaa in maxaabiis iyo gaadiid lagu kala qabsaday dagaalka.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyeeyey inuu soo weeraray. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri-Barwaaqo “Marnaba looma fadhiyin in dawlad Islaam ahi ama dad muslim ahi dad muslim ah xilliyada caynkaasi ah oo bishii barakaysnayd aynu jirno ay weerar ku qaadaan dhimasho iyo dhaawacba dhinac walba ka gaystaan . Hase yeeshee iyagoo mar kale is leh ka faa’idaysta duufaannadii Somaliland ka dhacay ee ay dadwaynaha iyo dawlada Somaliland ku mashquulsan yihiin sidii loo samato saari lahaayeen sidii loo samatabixin lahaa dadkii ay dhibaatadu soo gaadhay ayay arrintaasi isku dayeen inay Ciidamada Puntland saddex meelood weerar kaga soo qaadeen Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland ,saddexdiiba waa lagu jabiyey guushana waxa leh Jamhuuriyadda Somaliland” Wakaaladda wararka Somaliland ee #SOLNA.

Dhan ka kale Maamulka Puntland ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ee ay uga hadlayaan dagaalka.

Colaadda Tukoraq ayaa salka ku haysa ismuujin labada Madaxweyne ku doonayaan in ay ku helaan dhibco siyaasadeed, Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kusoo fool leh doorasho, isagoo doonayo inuu markale kusoo laabto kursiga Madaxweynanimada, Halka Madaxweynaha Somaliland Balanqaadkiisa doorashada ku jirtay inuu soo xiro doono xuduudaha Somaliland, oo uu ula jeeday inuu gacanta ku dhigi doono dhammaan deegaanadii ay ingiriisku gumeysan jireen waqooyiga Soomaaliya.

wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com